Ma runbaa in faxasa Baarlamaanka lagu darayo labo bilood oo dheeraad ah? (Warbixin)

Reading Time: 2 minutes

Wararka ka imaanaya xafiiska Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa sheegaya in uu qorsheynayo in fasaxa baarkaamka lagu daro laba bilood. Baarlamaanka ayaa lagu waday in uu dib u furmo bartaamaha bisha Maarso.

Mid ka mida Xildhibanada Xo’gogaalka ah u wadahadalka u dhaxeeya Kheyre iyo Gudoomiye Mursal ayaa u xaqijiyay MOL in labada dhinac ka wadahadleen qaabka dib loogu dhigi lahaa furitanka Baarlamaanka. Gudoomiye Mursal ayaa u muuqda mid la iibsaday oo qadiyadii Baarlaamka lacag ku badashay.

Kheyre ayaa cabsi badan ka qaba in hadii  baalamaanka la furo bartamaha bisha Maarso uu ku soo aadayo xaalado dhib badan oo dalka ku soo wajahan bilaha Maarso, Abriil iyo May oo ay ka mid yihiin:

  • Dib u dhac weyn oo la filayo in uu ku yimaado bixinta mushaaraadka shaqaalaha ciidanka maadaama dhaqaalo xumo soo foodsaartay dowlada
  • Amniga Muqadishu oo ka sii dari doono maadaama ciidanka AMISON ay soo xiri doonaan saldhigyo ay hadda degan yihiin maadama la yareeynayo ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya, taas oo keeyansa in Ururka Al Shabab dib u xoogeysto xoogna ku soo yeesho Muqadisho iyo nawaaxigeeda
  • Mucaaradka dowlada oo sii kordhayo kuwaas oo ay ku soo biirayaan xoogaga cusub oo hor leh
  • Markii ugu horeeysay ayaa qaar ka mida mucaaradka dowlada waxa ay heleen lacag joogto ah oo loogu taageerayo ololahooda looga soo horjeedo Farmaajo iyo dowladiisa. Lacagtaan ayaana ka imaanayso wadamo daneeya arimaha Soomaaliya oo in mudo ah ka aamusnaa siyaasadda Soomaaliya
  • Waxaa Muqdishu la filayaa in ay ka bilaabato olole lagu raadinayo xuquuqda Gobolka Banadir

Kheyre oo horay u sheegay in uu wixii ka danbeeya bisha Juun ee sanadkaan uu donayo in uu  furto wado cusub oo  isaga u gooni ah si uu uga badbaado “fashilka” Farmaajo ayaa doonayo in uu albaabada u soo  xiro baarlamaanka ilaa inta laga gaarayo bisha Juun.

Dhanka kale Xildhibaanada qurba joobta ah iyo kuwa gabay hoowshii umaadda u xilsaaratay ayaa soo dhaweeynaya labada bilood ee fasaxa dheeraadka ah maadama aya dalka ka sii maqnaanayaa iyada oo ay lacagtoodii u socoto.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!