Ma runbaa in Ciidamada Puntland la wareegeen Tukaraq oo ay ka baxeen Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Waxaa ka soo baxaya deegaanka Tukaraq warar iskhilaafsan kaas oo sheegaya in Ciidamada komaandooska Puntland ay la wareegeeen Tukaraq  ka dib markii saakay aroortii hore ay ciidamada Somaliland ay isaga baren.

Tukaraq ayaa ah goob ay in muddo ah isku horfadhiyeen ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Ilo halkaas ku sugan oo   la hadlay qaar ka tirsan saraakiisha ciidankaas watay ayaa sheegay in  dagaal kooban halkaas ka dhacey kadib ciidanka Somaliland isaga baxeen halkaas.

Ciidamada Puntland ayaa in mudo ah kula dagaalayay ciidamada Somaliland deeganada hoosyimaada Tukaraq. Waxaana halkaas ka dhacay marar badan iska horimaadyo ciidan kaas oo ay ciidamada Somaliland ku guulaystaan inay iyagu gacanta ku hayaan Tukaraq.

Ka bixitaanka ciidanka Somaliland ee magalaada Tukaraq ayaa timid kadib markii maalintii shalay goobo muhiim ah magaalada Laascaano laga saarey ciidamada Somaliland. Lama oga ujeedka Somaliland ee xiligan iyadoo dadka qaar ay sheegayan iney tahay xeelad dagaal oo dib u gurasho ah.