Ma loo Baahan yahay in Loo qabto Doow Wadaag Murashaxiinta MW Dalka?.

Reading Time: 2 minutes

Waxaan aragnay dad dhowr ah oo leh waxaa haboon in dood loo qabto murashaxiinta madaxweynenimo ee dalka, taas oo noqoneyso mid toos uga baxda laamaha warbaahinta dalka. Waxayna sabab uga dhigaan iyagoo ka tusaale qaadanaya doorashada Mareykanka iwm, iyadoo ka boodsan in doorashada Mareykanka ay shacbiga yihiin cidda wax dooraneysaa.

Hasa yeeshee,  arrinta muhiimka ah ee aan u baahan nahay inaan sii ogaanno waxay tahay waa maxay waxa wanaagsan ee lagu gaari karo iyo waxyaabaha ka horreya ee loo baahan yahay in la qabto doodwadaag ku aadan xilka iyo waajibaadka Jagada madaxweynaha dalka?

  1. Dooda noocan ahi waxay u baahan tahay inay ahaato mid ku dhisan barnaamij uu soo bandhigay musharaxa oo ka tarjumaya sida xisbigiisa ama kooxdiisa ay dalka ku hogaaminaayaan 4ta. Sano ee soo socota.
  2. In sharci uu ka soo saaro barlamanka kaas oo qeexya habraaca loo marayo iyo qaabka doodaha loo qabanyo.
  3. In Wariyayaasha qabanayaa ay yihiin dad aqoon durugsan u leh qaabka loo qabto doodaha noocan ah si looga fogaado inay noqoto dood fara isku fiiqfiiq ah.

Haddaba,  Haddii uusan jirin barnaamij ay soo bandhigeen dhinacyada doodaya,  dooddu waxay noqoneysaa mid shakhsiyadeysan oo la isku xad gudbo, shacbigana lagu xadgudbo waayo qof aad rabtid inuu ku hogaamiyo 4ta sano ee socota dalkan oo haddana erayo laga fiican yahay mid kale oo la tartamayaa ku isticmaalaya waxay dileysaa kalsoonida ay dadku ku qabayaan hogaaminta.

 Sidoo kale,  doodaha noocan ahna waxaa loo qabtaa madaxdweynaha ay shacbiga soo dooranayaan si loo siiyo xog buuxda shacbiga maadama aysan sida xildhibaannada xogta u heli Karin, laakiin xildhibanada waa siyaasiyiin wax badan kala socda tartaamayaasha haddii aysan caloosha u ciilaneyn.

Sidaas darted, marka qodobadaan sare la eego waxaa kuu soo baxaya inaan doodo la qabtaa wax faa’iido ah laga gaareyn oo xataa lagu sii kala fogaan karo, waayo shakhsi mid kale weeraya ayey noqoneysaa iyadoo wariyayaasha aysan heli Karin isla markiibana ay caddeyn Karin xogta lagu muransan yahay  maadaama aysan waxba noo keydsaneyn.

Marka waxaa nagu filan khudabadda uu musharraxa golaha shacbiga hortooda ka jeediyo kadibna ay xildhibaannada si wanaagsan u jeexjeexaan hadalkiisa  oo aan lagu sirmin sidii Farmajo loogu sirmay 2017.

Gabagabadii,  doodwadaag Musharixiinta ah looma baahna oo waqti ma jiro, sharcina ma jiro waxayna noqonee is af lagaadeyn iyo eedo ka yimaada waa la iga eexday hadalka la ima siin iwm.