Ma Laga yaabaa inuu Fahad Noqdo MW Soo Socda ee 2022-26 iyo ka Shishe?

Reading Time: 2 minutes

Wixii Baladweyne ka dhacay waxay sameynayaan tilmaamo u baahan in wax lagu qaato, si loo sii odoroso mustaqbalka dalka halka uu ku wajahn yahay, gaar haan markii Fahad Yasiin uu ku soo biiray Barlamanka 11aad iyadoo la wada ogsoonyahay sida uu yahay Iyo shakhsiyaadka soo galay  oo xataa qaarkood loo dhaariey inay isaga dabakacaan, haddii kale ay nolosha ka maqnaan donaan.

Saadaasha inta badan waxaa laga odorosaa tan taagan oo lagu kabay tagtada oo dib loo qooraansado. Muddo ka hor ayaan waxaa laga hayaa wadaadka Xagjirka ah ee Xasan Dahir Aweys. Hadalkaas waxaa uu ahaa “Wiilkan Fahad ah ha iga baleynina rajo weyn baan ka qabaa”. Fahad iyo Xasan Dahir waxay kawada tiraanaayeen Itixaad Al Islaami iyo hadda oo ay shabaabka ka wada tirsan yihiin.

Mar kale saaka ayuu Xasan Daahir oo noo sheegi jiray in doorashada ay xaaraan tahay dadka ka qeyb galaana ay riddo yihiin oo dilkooda uu banaan yahay uu u soo hambalyeeyo ruux dhiig muslim ku soo qubeystay dorraadddaan qoyan si uu u boobo hal kursi oo jufadii lahayd xataa loo diiday inay u codeyso waa Fahad Yasiine.

Haddaba marka la eego xaaladaha taagan Fahad ma noqon karaa MW badali doona Farmajo ayaa ah su’aal kuu soo baxaysa.

Sharciyan iyo awood ahaan maanta ma jirto cid ka horjoogsan kartaa inuu noqdo ama uu isu taago jagada ugu sarreysa dalka isagoo xoog, xeelad iyo Xandhoba isu geysanaya.

Waxaa la aaminsan yahay inuu taageero dhaqaale haysto isla markaana uu helayo taagearada Shabaab iyo inta la shaqeysata, wadaaddada Ictizaam, iyo dhammaan dambiilyaasha oo jidka uga leexin doona cidkasta oo uu u arko inay culeys siyaasadeed la iman karto si uu u noqdo MW dalka.

Waxaa laga yaabaa inay dad badani hadalkan fogeysanayaan oo ay u arkaan khiyaali laakiin marka la fiiriyo socodka xaaladaha siyaasadda Somaliya waxaa kuu soo baxaya:

1- In Fahad Yasiin uu leeyahay awood dhaqaale, mid xoog adeegsi iyo hadda uu soo helay awood uu fududeyneysa inuu boobo madaxweynenimada sida uu haddaba kursiga u soo boobay.

2- Musharixiinta kale oo u muuqda kuwa ka cabsanaya oo uu faro iyo foolxumo ka hayo sida Xasan kheyre oo uu ranran doono maalinta uu doono, una tuuri doono sidii shalay.

3- Mujsharixiinta qaar oo u muuqda kuwa aan dhaqaale iyo awood ciidan midna ku horjoogsan karin Fahad.

4- iyo Musharixiin boos celis iyo dhaqaale ama mansab ku hel musharaxnimada ugu jira.

Intaan markaad isugu geyso Fahad wuxuu fahamsan yaha inuusan Farmajo socon karin Rooblana uusan cadow iyo saaxib kala garan oo jidkii Muudey, Ibbi iyo Dhalxa mari doona haddii uusan ka hor baraarugin wuxuuna qorsheynaya inuu ku gudbo xildhibaanada aan khibrad shaqo iyo mid aqoonba lahayn inta waxan oo dhan ay ku cusub yihiin.

Fahad si cad ayuu u sheegay inuusan weligii ka dhici doonin Barlamanka oo uu ka baran doona sida loo soo taagnaado Khadiija Ilkacas oo ilaa carta soo taagneyd.

Isku soo duub Somaliya siyasadeeda weji kale ayey yeelatay shalay waxaana la hubaa in la arki doono xanuun aad uga badan kan hadda ay dad badani ku sugan yihiin, kuwa badanina ay is moodsiinayaan balsa hal kooda uu ugu iman doona.

Dadka badani waxay qabaan inuu Fahad u sharaxan yahay Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, balse waxay u muuqataa inay tahay marin habaabin qorsheysan ee bal  wejigaan cusubna il kale ku fiiriya.