Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay qorsho uu lacag ku urursanayo waxaana laga bilaabay in dhammaan shaqaalaha dowladda gaar ahaan kuwa gobolka Banadir laga jaro mushaarooyinka. Shaqaalaha Mushaaharka lag jarayo waxaa ku jira shaqaale ay mushaaroyinkooda bixiyaan hay’ado caalmi ah, hasa yeeshee aan dib loogu celin balse loo warejiyey xisaab uu leyahay Xuseen Maxamed Nuur oo ah ninka Kheyre iyo Maamma Zaynab ay gobolka geysteen.
Eng. Yariisow oo aan hal waraaq saxeexi karin Xuseen oo aan ka warqabin, taas oo ah amar horay loo siyyey, kadib markii la isku dayey in xilka laga xayuubiyo. Yasiirow maaha maamule ama hogaamiye laakiin waa shaqaale fiican oo adeegii loo diro ka soo baxa waana hawsha uu hadda gobolka ka hayo. Laakiin Ma oga taariikhda in ay qori doonto inuu isaga ahaa guddoomiye maalinta la dhacayey hantida ummadda lana weydiin doono adduun iyo aakhiraba.
Wararka ay MOL ka heleyso xafiiska RW ayaa sheegaya in go’aan lagu qaatay in loo diyaargaroobo inuu Xasan Kheyre isa soo sharraxo doorashada qaran ee so socota haddiiba la qabto ama la isla sugo oo uusan ka soo horreyn kacdoon shacbi.
Lacagaha la jartay dhamaantood waxay ku dhacayaan xisaabaad uu gaar u leeyahay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, lacagtaas oo loo wareejiyo boorso gaar ah oo loo bixiyey boorasada doorashada ee XCK cid walibana waxay ku shubto loo ogaado.
Sida la ogyahaygobolka waxaa maamula oo gacanta ku haya Xuseen Maxamed Nuur oo ah ay seediyaasha Madaxwweyne Farmajo halkaas geysteen. Dadaallada la wadaa waxaa ka mid ah in Seediyasha degmo cusub looga sameeyo Gubta ay oo ay ku badan yihiin degaan ahaan hadda amarkana la bixiyey oo iyadoo lagu dhawaaqay degmadaas.
Runtii waxaa horayba loo ogaa in uu Xasan Kheyre wado boob lacageed oo dhinacyo badan ah sida xaraashka goobaha uu shidaalka ku jiro ee dalka oo dhowaan 7/2/19 ka dhici doona dalka Ingiriiska, halkaas oo R/Wasaaraha laga siiyey $40m oo hor maris ah, si uu oggolaado inla xarasho xirmooyin (blocks) lana filayo in lacagtaas la gaarsiiyo haddii uu xarashka dhaco $100 ilaa $150m oo laaluush ah.
Iyadoo xog kalana ay sheegeyso in gobolka Banadir dhowaan loo diyaarinayo in laga sameeyo maamul la dhoodhoobo sida kan K/Galabeed Xuseenka hadda xoolaha ummadda xadayaana Madaxweyne looga dhigo, taas oo ah sababta uu lacagaha u urursanyo.
Ninkan, Xuseen Maxamed Nuur waxaa Guriga Madaxweynaha uu ka haystaa taageero, waayo Mama Saynab ayaa eedadiis ah, sidaas darteedna ma jirto maalmahan iyo bilahan qof ka joojin kara boobka hantida qaranka.
Masaakiinta marka hore la siiyey lacago mushaar ah oo ay noloshooda ku saleeyeen ayaa hadda laga jaray si ay Nolosha ugu adkaato, una qataan amarada la siinayo.
Waxaa horay loola yaabanaa in guriga Xuseen Maxamed Nuur boqol kun oo Dollar lagu qalabeeyay, sidoo kalena loo iibiyey Baabuurta aan rasaasta karin oo 2 ah oo kiiba uu joogo boqol kun oo dollar ku dhowaad, iyadoo maalayiin qof oo gobolka deggan ay gaajo, caafimaad darri, biyo la’aan iyo cabsi la il daran yihiin.
Tolow seediyaasha ma waxay u haystaan inay noloshoodu ku egtahay afartaan sano ee uu Farmajo madaxweynaha yahay miyeysan rabin inay Xamar kula noolaadaan dadka ay hantidooda dhacayaan marka talada laga xayuubiyo dhowaan Farmajo. Arrintaan waxaa haboon inay ka fiirsadaan oo ummadda Smaliyeed waa sabra badan tahay, waana kaadsiiyo badan laakiin godobtooda ma harto. Ciddii sharcidarrada kaga fa’iideysataana sharciga ayey kaga gooyaan.
Waa la ogyahay in dowladda ay haysato dhaqaale xumo ba’an sida uu sheegay RW kheyre markii uu safiirada EU-dala kulmayey , basla boobkan waxaa uu ku egyahay mid ku eg seediyaasha Farmajo oo kaliya sida Kheyre oo soo sharciyeeya, Musftaf dhuxulow oo soo arka halka lagu duulayo iyo cidda la dhacayo, xuseen oo hawsha fuliya, Mamma Sabnay iyo Dhagdheer oo reerka kor ka ilaaliya xoogaagoodana fadhigooda loogugeeyo.