Ma jirto Shirkad loo Xiray Arrimaha dal ku Galka Kenya, waana Khalad Haddii loo Xero.

Reading Time: < 1 minute

Wali waxaa suuqa wareegaya warar marin habaabin ah iyadoo dadlka uu ku jiro dagaal una baahan yahay in la garab istaago lana hubsado wararka la qorayo ama la baahinayo.

Waxaa Jirtay waraaq baraha Bulshada wareegeysay oo sheegeysay in dowladda ay u xertay shirkad inay bixiso dal ku galka Kenya, taas oo been abuur ah. Dhinaca kala ben abuurka noocan waxaa ka dhalanaya dhibaatooyin qofka sameynayaa uusan kala jecleyn adduun iyo aakhiro midkoodna:

  1. Waxaa ka dhalanaya in waraqaha rasmiga ah ee dowladda ka soo baxaa aan la rumeysan Karin, maadaama ay jiraan kuwa been ka buura wax waliba oo socda.
  2. Inay bulshada noqoto busho kala shakisan oo ka cabsaneysa in wax waliba ay been salka ku hayaan, kana hor imana karin wixii khaldan.
  3. Inaan diinta aan rumeysanahay ka been sheegno oo qolo naga mid ahi ay marwaliba been la soo taagnaato.

Iaku soo xoori wararka la sheegayo waxaa saxan in la hubiyo oo aan mala awaal iyo rabbi ka cabsi la’aan lagu baahinin wax aan a hubin, qofkasta oo sameeyaana uu cawaqi ku muto.

Dowladda waan u baahanay in diiradda lagu hayo oo mar waliba lala socdo waxyaabaha ay qabato iyo sida ay u qabaneyso, laakiin waa inaan laga beensheegin xaaladda Runta ah, hade kale wax run ah ayaa been loo malaynayaa oo sidaas ku dhaqan galayo.