Ma isbedelay Madaxweyne Qoorqoor Mise Mucaaradka ayuu marin habaabiyay? (Faaqidaad)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa mar kale isbedel laga dareemay, kadib markii uu magaalada Gaalkacyo kulan kula yeeshay dhiggiisa Puntland Siciid C/llaahi Deni.

War-saxaafadeedkii wadajirka ahaa ee Deni iyo Qoorqoor waxaa lagu dalbaday in Doorashada Federaalka xal laga gaaro si ay u noqoto wadar-ogol, waxaana xusid mudan in Qoorqoor ay shirka Gaalkacyo ku wehliyeen xildhibaannada mucaaradka ah ugu waaweyn ee culeyska siyaasadeed uu ka heysto.

Inkastoo Madaxweynaha Galmudug si toos ah uga shaqeynayo Dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo, uu magacabay Guddigii Doorashada, isla markaana ogolaaday in la xareeyo Guddigaasi, haddana wuxuu si farsameysan isku dayaa inuusan ka careysiin xildhibaannada miisaanka ku leh Galmudug iyo Musharixiinta kasoo jeeda degaankiisa oo ku marin habaabay kala duwanaanshaha falalkiisa iyo hadalkiisa.

Midowga Musharixiinta oo rajo ka qaba inay Qoorqoor kasoo furfuraan Madaxweyne Farmaajo aya degdeg u soo saaray qoraal ay ku bogaadinayaan dhexdhexaadnimada uu miijiyey iyo war-saxaafadeedka uu lasoo saaray Madaxweynaha Puntland.

Shirkii Gaalkacyo oo ku yimid Qorshe uu kasoo shaqeeyay Sanator Dhegdheer ayaa la sheegay inuu ujeedkiisu yahay in lagu mideeyo Puntland iyo Galmudug oo ay yeeshaan isbaheysi siyaasadeed oo lagu galo doorashada 2021, laakiin ma muuqato sida qorshahaasi uga fuli karo Qoorqoor oo siyaasiyiin badan aaminsan yihiin inuu luga uga xiran yahay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Arrinta bannaanka keeni karta Madaxweynaha Galmdug ayaa ah qabashada Doorashada Aqalka Sare haddii Madaxweyne Farmaajo iyo Guddigiisa Doorashada ku adkeystaan inay dhacdo, inkastoo taas lafteeda ay caqabado heystaan, waxayna xaaladaasi u ogolaaneysaa Axmed Qoorqoor jilitaanka Riwaayadiisa siyaasadeed.