Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo qoraal soo saaray ayaa diiday in uu tago Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud oo dhawaan looga yeeray isaga oo sababeeyay waxa uu ku diiday.
Inta la og yahay Wasiir Bayle ma sameyn wax Xisaab xer ah muddo afar sano ah, Wixii dhaqaale dal iyo dibad laga helo meeshii la doono ayuu la aadayey, taas oo baal marsan sharciyada dalka u yaalla, sharcigaas oo uu rabo inuu hadda ku gabbado, yiraahdana lama soo marin. Muxuu isaga u mari waayey kan ku waajibinaya inuu Xisaab-xer sameeyo sannad kasta.
“Sida uu qabo qodobka 3-aad farqadiisa 2-aad, xarafka B, oo sharaxa dhismaha xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda. Garyaqaanka guud ee dowladda wuxuu masuul ka yahay difaacida dowladda iyo xubnaha u shaqeeya, maxkamadaha hortooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Beyle.
Tolow yaa gar leh, yaasa gardaran Xeer Ilaalinta guud ee dalka oo u jirta inay ilaaliso xeerarka iyo shuruucda dalka Iyo Shakhsi haya masuuliyad dowladeed oo ay cadeeyn maaliyadeed ugu yeertay inuu diido.
Ugu Dambeyn Xeer ilaalintu ma waxay u yeertay Beyle mise waxay u yeertay Wasaarada Maaliyadda, taas ayaa cadeeyn u baahan lafteeda. Waayo hadda Waxay u egtahay in xeer ilaalintu u yeeraty Beyle shakhsi ahaan isagana uu u soo jawaabay sidii in wasaarada loo yeeray.