M/yaasha Maamulada Soomaalida iyo Oromada oo booqday Dhagaxbuur

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyneyaasha maamulada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya ayaa gaaray magaalada Dhagaxbuur ee dawlada deegaanka soomaalida.

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo dhigiisa maamulka Oromada oo ka qayb galayey shir layskugu soo dhawaynayo shacabka labada deegaan oo ka socday Jigjiga ayaa kormeerka ay ku tageen magaalada Dhagaxbuur waxa uu bilaw u noqonayaa safaro ay ku soo gaadhayaan magaalooyin kala duwan oo deegaanka soomaalida ka tirsan.

Weftigan oo ka kooban masuuliyiinta labada deegaan, madax dhaqameedka labada maamul iyo xubno kale ayaa soo dhawayn diiran kala kulmay dadweynaha magaalada Dhagaxbuur.