M/w Lafta Gareen oo u ambabaxay magalada dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur galbeed ee Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

Mr Lafta gareen ayaa ku sii jeeda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Gelmudug, halkaasi oo la filayo in saacadaha soo aadan uu ka furmo shir u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa isla maanta lagu wadaa in wafuud hor u dhac u ah madaxda dowladda ay tagaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Shirkan ayaa ajandihiisu yahay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Dowladda federaalka ah iyo qaar kamid ah hogaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada halka sidoo kale shirka looga arinsan doono arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladda kala guurka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in shirka uu dib u dhac uu ku yimaado, inkastoo aan weli wax rasmi ah ka soo bixin madaxda dowladda soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka