War murtiyeed ka soo baxay kulankii Ra’iisal Wasaaraha DFS iyo Midowga Musharxiinta garabka Beesha Hawiye ayaa lagu sheegay in Dowlad Federaalka iyo MM ay si wadajira u qaban doonaan mudaaharaad. RW Rooble ayaa sidio kale magacaabay Gudi iskudhaf ah oo dowladda iyo Mucaaradka ka kooban kuwaas oo loo saaray qabanqaabada waxa lagu sheegay banaanbax-nabadeed.
Waxaa dad badan isweydiinayaan sida ay suugal ku tahay in mudaharaad looga soo horjeedo dowlad waqtigeeda dhamaaday ay iyadu qabanqaabiso mudaharaadkaas. Waxa shaki badan ku jiraa in dad badan u soo bixi doonaa mudaharaad uu Farmaajo qayb ka yahay ama talo ku leeyhay abaabulkiisa.
Dhanka kale RW Rooble ayaa Guddi ka kooban saraakiil amniga u saaray baaritaan lagu sameeyo wixii Muqdisho ka dhacay 19-Febraayo. Magacaabista gudigaan ayaa cadayn u ah in DFS ayan qaadanin wax mas’uuliyad oo la xiriirta dhibkii dhacay 19ka bishii Febraayo.
Waxaa isweydiin u baahan, maxuu ahaa ujeedada shirka maalmihii la soo dhaafay u socday labada dhinac? Mucaaradkii (Midowga Musharaxiinta) dowlada ayaa u muuqda kuwo fashil iyo karaamo daro ku soo dhaamay. Waxaana maalinba maalinta ka danbeeysa ay sii luminayaan shacbiyadii ay ku lahaayeen shacabka reer Muqdisho.
Kulankii maanta waxa goobjoog ka ahaa wakiilka Fahad Yasin, waa ninka loo yaqaano Cabdirahman Dhere, kaas oo xaqiijinaayay in kulanka uu noqdo mid ayan ka soo bixin go’aano lid ku ah Farmaajo iyo xulufadiisa.