M M. oo ay ku qaadatay 3 maalin inay isku raacaan teegeerida cenyrinta Madera

Reading Time: < 1 minute

Inkastoo qaar kamida Midowga Musharaxiinta ay si gooni gooni ah ay u taageereen go’aanka lagu ceyriyay Danjire Madera, hadana waxaa aad u adkaatay inay si buuxda u soo wada saaraan qoraal lagu taageerayo go’aanka lagu ceyriyay Madera.

Waxa ay ku  qaadatay sadax maalin inay isku raacaan teegeerida cenyrinta Madera. Waxaa si toos ah uga soo horejeestay in la soo saaro qoraal loo wada-dhan yahay Xasan Cali Kheyre, Shiikh Sharif iyo qaar kale, halka inta badan xubnaha ay soo dhaweyeen go’aanka Rooble.

Ugu danbeeytiin Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo  saaray qoaal lagu soo dhoweeyay go’aanka uu Raysal wasaare Maxamed Xuseen uu dalka uga eryay Ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa hawlgalka ciidanka AMISOM, Fransisco Madera.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Danjire Madera ay dhowr jeer ka dalbadeen in uu dhexdhexaad noqdo Arrimaha Soomaaliya, isla markaasna ay dhowr jeer dacwad ka gudbiyeen.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka.