Loolan cusub oo ka dhex bilowday Kheyre & Farmajo lana kala saftay..

Reading Time: 2 minutes

Loolan cusub aya ka dex bilowday MW Farmajo & RW Kheyre sida ay ogaatay MOL. Loolanka cusub aya waxa uu sababay in RW Kheyre iyo MW Farmajo ay lakala saftan labada garab ee isku haya Galmudug.

MW Farmaajo aya u janjeera dhanka MW Xaaf kaddib cadaadis uu kala kulmay wadamada beesha caalamka oo uga digay in uu sababi karo dagaal sokeeye duulanka siyaasadeed ee ay dowladda ku qaaday Galmudug.

Halka RW Kheyre uu meesha ka dhex arko fursad marka uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa loolanka doorashada 2021, wuxuuna dadaal ugu jiraa sidii uu gacan weyn uga geysan laha soo xulida xildhibaanada Galmudug oo ay kaso wada jeedaan Farmajo iyo Kheyre.

Sheekh Maxamed Shaakir oo caawa kaqaybgelayey munaasabadda 1da Luuliyo (59 guurada kasoo wareegtay maalinka xorriyadda gobolada Koofureed iyo israaca labada gobol  oo kadhacday dhismaha Shirkole Ofishale ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in magaalada Dhuusamareeb ay kahowlgalaan dhammaan hay’adaha nabadgelyada ee dowladda federaalka iyo kuwa heerka dowlad-goboleedka Galmudug.

Hadalkan ayaa keenay in dhammaan dadweynihii kaqaybgalay munaasabaddu ay u wada-dabbaal degaan ayna u wada sacbiyaan go’aanka Sheekh Shaakir oo maalmahan oo dhan hadal hayntiisu ka taagan tahay gobolka.

Raisalwasaare Kheyre ayaa 26-June-2019 waxa uu ka sheegay in ay lama huraan tahay in Dhuusamareeb ay noqoto  magaalo ay kawada howlgeli karaan hay’adaha Nabadgelyada heer federal iyo heer dowlad-goboleed, waxaana qodobkaasi kamid ahaa war-murtiyeed ay magaalada Cadaado kasoo wadasaareen RW Kheyre iyo MW Xaaf  27-June-2019, kaas oo u dhignaa sidan:

Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir  ayaa ka sheegay munaasabadda 1da Luuliyo in ay qayb ka noqonayaan Galmudug mid ah, loo dhan yahay, xasiloon islamarkaana lashaqeyneysa Dowladda dhexe ee Federaalka.

Raisalwasaare Kheyre oo todobaadkan safar ku marayey Galmudug ayaa ka sheegay 59 guurada madaxbannaanida gobolada koofureed iyo israaca labada gobol in gogosha dib u heshiisiinta ay taal kana furan tahay Dhuusamareeb magaalo madaxda Galmudug.