Lix Qof oo ku dhimatay Shil ka dhacay Gobolka Mudug

Reading Time: < 1 minute

Maamulka gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in 6 qof ay ku dhimatay ka dib markii uu shil gaari Saaka ka dhacay Wadada u dhaxeysa degaanka Gawaan iyo sidoo kale degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

6 kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana hadda socda Gurmad loo sameynaayo dadka ay waxyeelado soo gaartay ayaa sheegay in mid ka mid ah Saraakiisha Gurmadka deg deg ah ee gobolka Mudug.

Gaariga rogmay ayaa siday Shamiito, waxaana la sheegay in markii rogmanaayay in uu ku socday Xawaare Sare.