Lix qof oo dhaawac ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay duleedka Garowe

Reading Time: < 1 minute

Inta la xaqiijiyay, lix ruux ayaa ku dhaawacmay shil goor dhowayd ka dhacay magaalada Garoowe. Shilka ayaa ka dhacay bannaanka hore ee Hoteel Curubo, oo ku yaalla dhinaca bari ee Caasimadda Garoowe.

Dadka dhaawacmay ayaa isugu jira rag, dumar iyo carruur, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland.Xarumaha caafimaadka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in dhaawacyada qaarkood culus yihiin.