Leicester: Gabar Soomaali Ah oo Ka Badbaaday Isku Day Dil

Reading Time: < 1 minute

Booliska Magaalada Leicester City ee Dalka Ingiriiska ayaa gacanta ku dhigay Nin magaciisa lagu sheegay Moore,kaas oo gaari uu watay isku dayay in uu jiirsiiyo Gabar Soomaali ah oo waddada mareysay.

Ninkan ayaa la horgeeyay Maxkamadda iyada oo marqaatiyada degaanka ay sheegeen in Moore uu isku dayay in uu dilo Seynab Xuseen oo ah Gabar Soomaali ah.

Marqaatiyayaasha ayaa sheegay in Ninkan uu isku dayay in Gabadha oo waddada lugeyneysa uu gaariga ku dilo hayeeshee ma dhicin oo waa ay ka baxsatay,waxaana sababta ay ku sheegeen in Ninkan oo cunsuri ah uu u bartilmaameedsaday Midabkeeda iyo Diinteeda maaddaama ay xijaabneyd.

Mr Moore oo Maxkamadda ka hor hadlay ayaa beeniyay eedda ah in uu dil damacsanaa,iyada oo marqaatiyayaasha ay sheegeen in xilliga weerarka in Ninkan uu qoslayay isaga oo ku faraxsan falka uu ku jiray.

Gaariga uu watay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen Afar qof,isaga oo intii uu falkaasi waday uu u diiday in ay Gaariga ka degaan.

Maxkamadeynta Ninkan ayaa ka sii soconeysa Magaaladaas iyada oo la filayo in ay xukun ka soo saarto fal dambiyeedka uu Moore kula kacay Seynab Xuseen.

Todobaadkii hore labo wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay Magaalada London iyada oo aan ilaa hadda la caddeyn cidda ka dambeysa dilalka ka dhacaya Magaalada London oo loo adeegsaday Middiyo.