Liyuu Booliiska Itoobiya iyo Ciidanka Booliska Galmudug oo heshiis wadagalay

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Degaanka Ceel-Habred ee Gobolka Qoraxeey,  waxa  halkaa ku kulmay Taliayasha Ciidamada Layuu Boliska ee Dowlad degaanka Soomaalida Iyo Taliyaha Boliska Dagmada Gurceel Dhame Cusmaan Ali Hudey.

iyada oo ay laba dhinac ka dhacaan dagaal beeleedyo iyo dagaalo ay hogaanka yu hayaan ciidanka Booliska Liyuu ayaa kulan kaan oo ahaa kii ugu horeyay oo ay yeshaan Ciidamada Layuu Boliska iyo Taliska Boliska Dagmada Gurceel ayaa qatay Sacado dhowra waxaana ka soo baxay qodoban Soo Socada.

1 In wada shaqeyn buuxda ay yeshaan labada Ciidan

2 In si wadajira looga shaqeeyo xallinta Belaha walalaha ah ee ku dagalama Xadka uu Gobolkan galgaduud la wadaago Dowlad degaanka .

3 In la iska kaashto qabashada maandooriayaha gaar ahaan qamriga oo ay labada ciidan ka shaqeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadka ka Ganacsada

4 In la is weydaarsado dadka baxsadka ah ee Dabiyada ka gala dhinic kadib na ubaxsada dhinaca kale

Dadka degaanka Ceel Habreed ayaa soo dhaweyay Heshiiskaan waxayna shegeen in ay si dhow ula shaqeynayaan Ciidamada Amaanka