MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
105 days
23 hours
50 minutes
40 seconds
Reading Time: 2 minutes

Prof Peter Kagwanja oo ah lataliyaha gaarka ah ee Xasan Cali Kheyre, isla-markaana ah   ninka qaba Wasiirka Difaaca dalka Kenya Marwa Munica Juma ayaa qoraal uu maalintii shalay ahayd ku soo qorayay wargeysayka caanka ah ee Nation waxa uu si ula kac ah ugu aflagaadeeyay beesha Mariixaan.

Ma aha kaliya  in uu  ninkaas aflagaado u geysaty qabiil ka mida qabiilada Soomaaliya, isaga oo ku hadlaya magaca Xasan Kheyre balse waxa uu abuuray jawi u abuuraya beesha Mariixaan cadow ha noqodo dhanka  siyaasada iyo dhanka amniga, taas oo khatar ku ah jiritaankooda.

“Beesha Mariixaan ee uu hogaamiye Farmaajo, waxa ay qabtaa aragti iyo riyo ah in  ay dalka Soomaaliya ka abuurttay xukun aan waligiis dhicin oo khatar ku ah xasiloonida Soomaaliya iyo tan gobolka” ayuu soo qoray Peter Kagwanja.

Waxa uu intaas ku daray “ maha kaliya in beesha Mariixaan ay dhexdeeda isdilayaan, balse waxa ay sidoo kale cadownimo kala dhaxeeysaa beelaha kale ee ka soo jeedo beelaha Daarood ee ku dhaqan dalka Soomaaliya, gaar ahaan deeganada Jubbaland iyo Puntland.”.

Hadalka ka soo yeeray lataliyaha arimaha  siyaasadda ee Xasan Cali Kheyre, Prof Peter Kagwanja ayaa ah mid u muuqda in loo soo dhiibay, raalina uu ka yahay Xasan Kheyre. Dad badan ayaa isweydiinaya faa’iidada uu Xasan Cali Kheyre ka heli karo in uu baltilmaansado beelo Soomaaliyeed oo ku dhaqan Soomaaliya.

Mid kamida dadka ku ganacsada magaalada Nairobi ayaa u sheegay MOL in ay tahay wax laga xumaado in  nin mas’uul u soo noqday umadda Soomaaliyeed  uu bartilmaansado beel Soomaaliyeed, “adeer waxaan isleeyahay, waxa uu ninkaas Kheyre la yiraahdo ka dhaadhacsan, muuji in aad  nacebtahay Beesha Mariixaan si beesha Ogaadeen kuu soo dhaweyso, laakiin beelaha Soomaaliyeed waa walaalo, naceyna kama dhaxeeyo, laakiin isaga ayaa ku sii lumaya” ayuu yini ninkaas oo ka gaabsaday  in aan magaciisa sheegno.