Laftagareen oo ku dhacay god siyaasadeed kaddib markii uu sheegay…

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyey wadashaqeyntii Arrimaha Doorashada ee uu maamulkiisa la lahaa Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Lafta-gareen xalay saqdii dhexe kadib ayaa lagu yiri: “Dowlad Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka”.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Koonfur Galbeed si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, uuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo”. ayuu Lafta-gareen ku yiri qoraalkiisa.

Lafta-gareen wuxuu sheegay inuu cod dheer ku sheegayo in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dad badan ayaa is-weydiiyey wada-shaqeynta Doorashada ee C/casiis Laftagareen uu joojiyey, xilli ay dhammaatay doorashadii ka socotay maamulkiisa, ayna hadda harsan yihiin kaliya shahaado siinta xildhibaannada.