Waxaa magalaada Muqdisho ka socda qorsho si farsameysan loo soo abaabaulay kaas oo la doonayo in lagu xaqiijiyo in Madaxweyne Laftagareen uu ku sii nagaado xukunka. Shiikh Aadan madoobe oo ah shaqsi lagu yaqaano jaceylka lacagta iyo khiyaanada ayaana hormuud ka ah qorsdhahaas.
Talaabadii u hooreeysay ee la doonayay in shacabka reer Koonfur Galbeed lagu qanciyo in Latagareen yahaya madaxweyne taageero ka haysto madaxda dowlada goboleedyada iyo tan Federaalk ayaa si buuxda uga qaybgalay shirka wadatashiga qaran ee ka socda magalaada Mauqdisho. Tani waxa ay xaqiijisay in wax la yiraahdo madaxweynihii hore ayan girin ee Laftagareen yahay madaxweynaha saxa ah.
Waxaa iyada si farsameysay loo tirtiray dacawadii lagu soo oogay Laftagareen ee ahayd in uu dad shacabka ku xasuuqay magaalada Baydhabo. Ilaa iyuo hada ma jirto dacwo ama hada kulul oo ka soo yeeray Xamsa, Xasan Sheekh iyo Shiikh Adan Madoobe oo lagua xisaabtamayo Lafgareen. Waxa ay sheegeen inay ka xunyihiin wixii ka dhacay Baydhabo.
Mucaaradkii waxa ay ku soo koobnaadeen inay mudahaarad ka abaabulaan magalaada Muqadisho taas oo hoos u dhigtay qayimkooda niyad jabna ku riday taageerayaashoodii ku sugan Baydhabo, kuwaas oo rajo ka qabay inay Baydhabo tagaan.
Dhana kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kulan isugu yeeray musharaxiinta mucaaradka Koonfur Galeed ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaas iyo muranka hareeyay doorashada kusoo socota.
Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan musharaxiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed, sida Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Aadan Fargeeti iyo xubo kale oo saameyn leh.
Ma jiraan wax la taaban karo oo ka soo baxay kulankaas oo ahayn in ruwaayad loo dhigo mucaraadka, waqtigana laga lumiyo.