Laftagareen & Qoor-Qoor daacad maka yihiin in Puntland lala heshisiiyo DFS

Reading Time: 2 minutes

Sida ay sheegaan warar hordhac ah oo ay heshay MOL, Madaxweynayaashaa Koonfur Galbeed, MW Lafta Gareen iyo  Galmudug MW Qoor-Qoor ayaan dhawaan la filayaa in ay tagaan magalaada Garowe si ay ugu soo qanciyaan madaxda Puntland in ay dib ugu soo biiraan shirka wadatashiga Qaran oo la filayo in uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb bartamaha bishaan.

Dowlada Puntland ayaa horay sharuudo adag ugu xirtay  dib u soo celinta xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dowlad Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku soo sheegtay eedaha ay ka tirsanayso dowlada Federaalka, iyada oo aan la xalina eedahaasna ,Puntland waxa ay sheegtay inayan marnaba xiriir la sameeynaynin Dowlada Federaalka.

Dhanka kale dowlada federaalka ayaa dhankeenda sheegtay inay isku-dayday inay xal u hesho eedaha ay soo jeedisay dowlada Puntland, laakiin ayan marnaba suuragal  ahaynin in dowlada federaalka in noqotay mid u qafaalan Puntland.

Hadaba Madaxweyne Lafta Gareen iyo Qoor-Qoor ayaa waxa ay balan qaadeen inay isku dayayaan inay labada dhinac isku soo dhaweeyaan. Waxaa maalmaha soo socda la filayaa in labada mas’uul u dhoofaan magaalada Garowe si ay ula kulmaan hogaanka Puntland, xalna ugu helaan  khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Dad aad ugu dhaw labada mas’uul Qor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa sheegaya inayan labada mas’uul daacad ka ahaynin inay labad dhinac la isku soo dhawaadaan, gaar ahaan madaxweyne Qoor Qoor.

Qoor Qoor ayaa u arka in DFS ay dooneyso inay isaga waqtigiisa xilheynta  soo koobto, ka dibna lagu badalo mas’uul ka tirsan dowlada federaalka, kaas oo ula jeedo Mahad Salaad, Sidaas darteed isaga dan siyaasadeed uguma jirto in Puntland iyo DFS ay heshaan xiligaan.

Qoor Qoor oo kulamo qarsoodi ah la qaatay Xasan Cali Kheyre oo ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa labada dhinac waxa ay qadka taleefanka kula hadleen Saciid Deni.  Inkastaa oo ayan MOL helin xogta rasmiga ah hadana dad aad ugu dhaw Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in la  isla gartay in Dowlada Federaalka isku meel looga soo wadajeeysto.

Dhanka kale, Lafta Gareen oo horay ula heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa doonaayo in xaalada ay ku jirto siyaasad dalka  ay ku sii jirto si isagu u noqdo furaha xal u helida kjliaafka ka jira labada dhinac. Gaar ahaan waxa uu doonayaa in khilaafkaan sii jiro ilaa doorashadiisa ay ka dhaceeyso, taa oo lagu heshiiyo inay dhacdo dabayaaqada sanadkan.