Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo marmarsiyo u raadinayo boobka doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa kulan lagu sheegay wadatashi u sameeyay Guddiyada doorashooyinka, isagoo kala hadlay arrimo ku aaddan doorashooyinka dalka.
Shirkaan oo lala wadaagay saaxaafadda ayaa ah mid lagu daminaayo culays Lafta Gareen kaga yimid beesha caalamka iyo musharaxiinta u tartameysa xildhibaanimada iyo tan Madaxweynaha.
Kulanka uu Madaxweyne Lafta gareen la qaatay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa waxaa diiraadda intiisa badan lagu saaray doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee ka socota Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koofur Golbeed Soomaaliya.
Lafta-gareen ayaa Gudiyada Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal (FIET) heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka, ku booriyay in hannaanka doorashooyinka sida ugu wanagaasn loo qabto, maaddama ay jiraan cabashooyin dhinacyada qaar la imaanaya.
Baydhaba ayaa waxaa ka socota doorashada Golaha Shacabka, waxana magaalada lagu doortay qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada, iyadoo haddana loo madalsan yahay in gabi ahaanba lagu soo doorto Kuraasta Dowladda dhexe kasoo galaya KGS.