Lafta Gareen oo markii u horeeysay toos uga degay Baydhabo! Maxaa soo kordhay

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maalintii shalay ahayd dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulkiisa, kadib safar qaatay maalmo oo uu dalka dibeddiisa ugu maqnaa.

Lafta Gareen ayaa caado u ahayd inuu soo maro magaalada Muqdisho marka uu ku soo laabanayo dalka , balse markii u horeeysay ayuu go’aansaday inuu si toos ah uu uga dego magaalada Baydhabo. Talabadaan ayaa lagu micneeyay in uu iska fogaynayo in uu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku eedeeynayo in uu ku jiro dagaal ka dhan ah MW Lafte Gareen.

Dhankale Lafta Gareen ayaa ku amaray ciidankiisa inay marnaba u ogolaan mucaraadka isaga ka soo horjeedo in ay Baydhabo ka soo degaan. Soo laabashada iyo Go’aan Madaxweyne Laftagareen, ayaa kusoo aadaya xilli maalmo kahor ay mucaaradka Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqeen Gole ay ku mideysan yihiin, iyo la qabto doorashada Madaxweynaha.

Dhanka kale, Madaxweyne Laftagareen ayaa soo laabashadiisii kadib kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha Hay’addaaha Amniga Koonfur Galbeed. Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Amni ee deegaanka KGS, iyo siddii loo bilaabi lahaa howlgal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada ay ka heystaan maamulkaas.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa faray laamaha amniga Koonfur Galbeed qaadista guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, iyadoo howlgalladu ka bilaaban doonaan nawaaxiga magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa waxaa 19ka bishan December, u buuxsamaya afar sano oo uu xafiiska joogay, balse horaantii xukunkiisa ayuu sameystay muddo kordhin 1 sano ah, Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaana ka horyimid muddo kororsigiisa.