Lafta Gareen oo maantasoo xulaya xildhibaanadii lix kursi

Reading Time: 2 minutes

Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa maanta lagu wadaa in uu soo xulo  6 kursi oo kala ah HOP#077, HOP#099, HOP#167, HOP#168, HOP#186 & HOP#261 oo loo diiwaangeliyay musharixiin min labo ruux ah.

Guddiga ayaa ka reebay kuraasta qaar Xildhibaannaddii ku fadhiyay halka HOP#261 laga hor istaagay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu celiyay Muqdisho kaddib amar kasoo baxay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Yaa ku fadhiyay, Yaase u tartamaya kuraastaan?

HOP#077: Isgoowe Deeqow Isaaq ayaa ku fadhiyay, waxaa loo diiwaangeliyay Cabdinaasir Cali Xasan & Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan.

HOP#099: Deeqa Xuseen Xasan ayaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad, waxaa u tartamaya Axmed Madoobe Nuunow iyo Cabdinaasir Ibraahim Aadan.

HOP#167: Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa ku fadhiyay, Cabdisalaan Cali Cabdi iyo Cabdi Maxamuud Maxamed ayaa ku loolamaya kursigaan.

HOP#168: Xasan Macalin Xuseen ku fadhiyay kursigaan, waxaa loo xiray Dumarka oo waxaa ku tartamaya Luul Ibraahim Cumar & Nasteexa Axmed Nuur.

HOP#186: Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa beeshiisa ku metalay Baarlamaankii 10aad balse waxaa liiska musharixiinta kusoo baxay Cabdulqaadir Cumar Macalin & Cabdulqaadir Aadan Maxamed.

HOP#261: Cabdulqaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad, waa laga reebay sida aabihiis looga hor istaagay oo kale, waxaa u loolamaya Saalax Shariif Sayid Cali iyo Ismaaciil Shariif Cali.

May be an image of ‎text that says '‎Jambuuridda Federaalka Soomaaliya Guddies Maamulka الفيدرالية الصومال جمهورية Dowlad goboleed- Koonfur Galbeed SEIT 2021 -2022 الجنوب خرب الإنتخابات لجنة The State Elections Implementation Team (SEIT) SN Musharaxlinta isku 500 diwaangalisay kuraasta hoos ku xusan. NAME 08/03/2022 Abdinasir Ali Hassan 2. 3. Mohamed Sheikh Abdullahi Osman HOP# #077 4. Ahmed Mathobee Nunow Abdinasir Ibrahim Adan 5. Abdisalam 6. #099 Abdi 7. Abdi ohamud Mohamed Lul Ibrahim Omar #167 8. 9. Nasteho Ahmed Nur Abdulkadir Omar Moalin #168 10. Abdukadir Adan Mohamed #186 12. Sharif Sayid All Ismail Sharif Ali #261 DOWLAD YusufAbdulkadir Gudoomiyaha GHDHD S52020-2021 CIGONๆ APLEMENTAR‎'‎

SEIT Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu dadejinayo Doorashada kuraasta ku dhiman Dowlad-Goboleedkaas gaar ahaan Deegaan-Doorashada koowaad oo ah Baydhabo inkasta oo waqti kooban uu ka haray taariikhda uu Golaha Wadatashiga go’aamiyay in lagu soo idleeyo waana 15-Maarso-2022.