Lafta Gareen oo la soo dardaarmay Xildhibaanada Koonfur Galbeed

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo khudbad sagootin ah u jeediyay Xildhibaannada iyo Senatarada Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Baarlamaanka 11aad Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay sida loosoo xulay.

Laftagareen ayaa sheegay in Koofur Galbeed xoogga ay saartay soo gabagabeynta Doorashooyinka Dalka oo daah (dib u dhac) galay si loo horseedo dhismaha Dowladda cusub ee waddanka hoggaanka u qabaneysa.

Waxa uu difaacay sababta Baarlamaanka loogu daray Saraakiisha Ciidanka oo falcelin badan kasoo laabatay balse waxa uu ku dooday in Dowlad-Goboleedyada kale ay kala siman yihiin arrintaas oo ay uga daydeen.

“Baarlamaanka waxaa ku jiro oo Maamulada kale markii ay keeneen aan annagana keennay waxa la yiraahdo Janano, intaas oo dedaal ah markii ay marayeen reer Koofur Galbeed ujeedadeeda waxa ay ahayd in aan dib inta nagu soo noqotaan oo aan na dhihin waxaas ma qabno oo kuwaas ayaa qaba, wax weliba oo Soomaali heysato waad heysataan, haddii Aqoon ay tahay, Haddii waayo-aragno tahay, Haddii Jananimo tahay, Haddii dhalinyaronimo tahay, Haddii Diin ay tahay iyo haddii ay Maadi tahayba intaba waad heysataan ” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Xildhibaannada iyo Senatarada lagu doortay Baydhabo & Baraawe kula dardaartay in ay iskaashadaan si ay uga dhex muuqdaan Baarlamaanka 11aad ee JFS.

“Waxa ugu horreeyo ee aan idinka dalbanayo waa in aad midnimo sameysaan si aad u muujisaan sumadda DG Koofur Galbeed oo aad ka dhex muuqataan Baarlamaanka, waxa aan nahay Dadka ugu badan, ma rabno in nala hoggaamiyo sanadkaan oo aan innaga hogaamino, masiirka ummadda Soomaaliya waa in aan goynaa oo aan naloo yeerin ee aan annaga yeerino”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xildhibaannada ugu badan ee Koofur Galbeed lagu doortay waa mas’uuliyiin katirsan maamulka Madaxweyne Laftagareen waxaana kamid ah: Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Agaasimayaal, Guddoomiyaha Gobolka Bay, Xildhibaanno, Taliyaha Ciidanka Asluubta, qaybta 60aad ee CXD iyo xubno kale.

DG Koofur Galbeed ayaa Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka soo gabagabeysay 15kii Maarso 2022, Madaxweyne Laftagareen, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed & wakiilada FEIT ee KGS ayaa Xubnaha la doortay siiyay shahaadooyinka KMG ah si marka ay Muqdisho soo gaaraan u qaataan tan rasmiga ah & aqoonsiga Xildhibaanka.