Lafta Gareen oo ka hordhacay qodob looga hadli lahaa shirka GWQ

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Lagta Gareen oo lagu tiriyo in uu yahay shaqsi aad ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa soo saaray liiska 11 kursi oo Aqalka Hoose iyada oo berito loo balansan yahay in uu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ujeedada ka danbeeysa in Lafta Gareen soo saaro liiska ayaa ah in uu muujiyo in uu wali taageersan yahay gudigii khilaafaadka iyo hogaankii  gudiga doorashada heer Qaran ee uu Rooble horay u ceyriyay.

Talaabadan ayaa noqon doonta mid caqabad ku noqota geedi socodka doorashada iyo shirka berito loo balansan yahay. Waxaana meesha la baxaya in aan gabi ahaanba laga hadlin gudiga.

Dhanka kale, Maadaama uu liiska beesha Mirrifle uu soo dhamaaday waxa uu doorashada kale lagu qaban doonaa magaalada Baraawe taas oo sii adkeynaysa go’aankii shirkii 17ka September oo ahaa on doorashada lagu qabto labo magaalo.