Lafta Gareen oo diiday dalab ka yimid Fahad Yasin

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dhowaan la doortey ee Koonfur Galbeed CabdiCasiis Xasan Maxamed (Laftagaren) ayaa si la yaab leh dirba u diidey dalab kaga yimid Milkiilaha Dowladda Federalka ah Fahad Yasin.

Fahad Yaasiin ayaa Laftagaren ku amray inuu madaxweyne Ku-xigeen u magacaabo Cabdullaahi Shiiqeey Baa-Xasan oo ah nin ay Fahad Yaasiin Isku heyb yihiin kana tirsanaan jirey Ururkii bur burey ee la oran jirey Xisbul-Islaam.

Madaxweyne Laftagaren ayaa si xoogan uga hor yimid dalabka Fahad Yaasiin, kuna yiri sidan “waa ceeb iyo nasiib daro qabiil aan xitaa degmo dalka ku laheyn in ay xilkaas damcaan anigana igama suuragasho inaan siiyo xil culeys kaas leh”

Madaxweyne Laftagaren ayaa ah shaqsi mudo dheer kusoo dhex jirey siyaasada dalka, Dadka Soomaaliyeedna aad u kala yaqaan, hase ahaatee waxaa laga yaabaa in uu arrinta soo farageliyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo fuliyo rabitaanka Fahad Yaasiin.

Waxaa dad badan oo Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in Fahad Yaasiin uu yahay nin Farmaajo isteerinka u haya, Waxaana la ogaadey in Madaxweyne Farmaajo uusan aheyn qof khayaar u leh awoodihiisa uu ku dhaartey ee dastuuriga ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!