Madaxweyne Lafta Gareen ayaa dardar galiyay qorshahiisa uu uga tanaasulayo odayaashii 20ka sano ka badan ku fadhiyay kuraasta xildhibaanada laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Gaar ahaan waxa uu gabi ahaanba banaanka dhigay kooxaha sida indha la’aanta ah u taageeray Farmaajo.
Raga banaanka la dhigay waxa kamida Cabdiraxmaan Ibi oo aaladaha warbaahinta ka amaani jiray Farmaajo iyo Dalxa oo isna ahaa nin warbaahinta uga gabya Farmaajo, marka uu ka hdalaya Farmajo qiiroonayay.
Ma aha kaliya in Lafta Gareen uu u diiday in ay tartamaan odoyaashii hore balse waxa uu sidoo kale kuraastoodii ku qoray shaqsiyaad kale kuwaas oo loo xiray kuraasta una baahnaynin in ay u tartamaan. Qaar kamida xil sugayaasha ayaa iyada oo aan doorashada la gaarin ayaa loo dirayaa hambalyo. Waxaa wax ugub Soomalaya in doorasho aan la gaarin in cidii ku soo bixi lahayd loo sii tahniyadeeyo, taas oo ka dhigan in lagu digto kuwii kuraastaa horay ugu fadghuya.
Magaalada Baraawe oo ah Caasimadda Dowlad Gobaleed Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu qabto Doorashada Deegaanka labaad ee DG KGS 9 & 10 Febraayo 2022.
Illaa 13 kursi ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo Baraawe doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa shaaciyay Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta lagu wado inay dhacdo doorashadooda, kursi walba ayaa waxaa ku tartami doonta illaa labo musharax sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Koonfur Galbeed.
HOP#160 waxa uu ka mid yahay kuraasta uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Koonfur Galbeed, waxaana u sharaxan illaa labo musharax oo kala ah Maxamed Yuusuf Xasan oo ah Wasiirka Waxbarashada Dowlad Gobaleed Koonfur Galbeed iyo Cali Abuubakar Maxamed, kursigaan waxaa ku fadhiya Baarlamaankii 10aad Nuur Siidow Baaba.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada DG KGS ayaa Hambalyo loogu diray Wasiirka Wasaaraddaas oo ka mid ah Musharaxiinta welina aan ku guuleysan kursiga HOP#160; “Dhamaan masuuliyiinta, Agaasimayaasha iyo Howl wadeenada Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mohamed Yusuf Hassan, oo maanta la gadoonsiiyay shahaadadiisa musharaxnimo isaga oo utartamayo kursiga HOP# 160 deegaan doorashadiisu tahay Baraawe.”
Maxay tahay kalsoonida lagu qabi karo hufnaanta doorashada haddiiba lasii ogyahay natiijada kursiga?