Lafta Gareen “Meel aan u noqdo ma jirto hadii aan lacag iyo xal loo helin dhibka i heysta”

Waxaa asbuucyadii la soo dhaafay ku sugnaa magalaada Muqdisho Cabdicasiis Lafta Gareen oo u yimid in uu lacag ka soo qaato Ninkii isaga ka dhigay Madaxweynaha,   MW Farmaajo.

Lafta Gareen ayaa waxaa qado u sameeyay Farmaajo laakiin ilaa iyo hadda kuma uusan guuleeysan in uu lacag ka helo dowlada Faderaalka. Ilaa mudo ku dhaw dhowr bilood ayaa balamo loo qaadayay in lacag la siin doono ilaa iyo hadana ma jirto lacag la siiyay.

Dhanka kale shacabka ku dhaqan deegaanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo ayaa diiday in ay bixiyaan canshuur. In ka badan 950 bajaajlayaal ah ayaa diiday in cashuur laga qaado halka dadka suuqa xoolaha keena Xoolaha Nool ay ayaguna diideen in ay canshuur bixiyaan. Inkastoo diidmada ay bilaabeen beesha Liisaan hadana hada waxaa ku biiray diidmaada qabaa’iilada kale.

Waxaa forontiga dagaalka ka soo baxay ciidamadii  ku jiray . Dhanka kale ciidamada Itoobiya ayaa cabsi cusub  soo wajahday  ka dib markii shacabka degaanada Bardaale, Ufuroow, Qansaxdheere, Diinsoor iyo Geel Garas  ayaa dhamaan bilaabeen in ay si toos ah ula xirtaan Kooxda Al Shabaab si ay naftooda u badbaadsadaan. Shalay ayaa u danbeeysay markii miinooyin dhulka loo galiyay Ciidanka Itoobiya.

Wasiiiradii dhawaan la magacaabay ayaan shaqo haynin ka dib markii loo waayay lacag la siiyo. Xildhibaanadii ayaa isaga noqday meelihii ay ka kala yimadeen. Canshuurta laga qaado degaano ka mida Gobolka Shabeelada Hoose waxa qaata ciidamada dowlada Faderaalka. Mamulada ka jira degaanadaas kama amar qaran Lafta Gareen.

Mid ka mida Wasiirada ayaa u sheegay MOL in ay maamulkii Koonfur Galbeed dhintay. Waxa lagu hayo Baydhabo ayan  jirin. Waxa uu yiri “waxa  kaliya ee lagu joogo degaanka Baydhabo waa dadka reer Baydhabo oo nabadooda iyaga ilaashada iyo ciidanka Itoobiyaanka ee ku sugan magalada Baydhbo.

Cabdixakiin Fiqi oo ah la taliyaha gaarka ah ee  Lafta Gareen ayaa u sheegay saaxibadiis in Lafta Gareen uusan sii joogi doonin Koonfur Galbeed hadii aan xal loo helin arimaha Mukhtaar Roobow.

Dhanka kale Lafta Gareen ayaa isagana cadeeyay moowqifkiisa isaga oo sheegay in ayan jirin meel loo noqdo hadii xal deg deg ah la helin. Waxa uu yiri ” Meel aan u noqdo ma jirto hadii aan lacag iyo xal loo helin dhibka i heysta, dowladii laga rabay in ay xal keentana teleefanka xataa igama qabanayso”.

Lafta Gareen ayaa isagana ah qof aan u sameeysan hogaan ama leh karti uu wax ku hogaamiyo. Sharif Xassan iska daa in shacabka reer Baydhabo uu maamulo, waxaa uu dhanka kale saameyn ku lahaa siyaasada Dowlada Faderaalka. Nasiib xumo Lagta Gareen, iska daa in uu sameeyn ku lahaado siyaasada dadkii isaga  xooga  ku fariisyay kursiga, waaba uu arki la’yahay oo waxay diideen in ay qabilaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here