Lafta Gareen & Farmaajo oo dhagaha ka furaystay baaqii shirkii MM & Rooble

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Lafta Gareen & Farmaajo ayaa gabi ahaanba dhagaha ka furaystay baaqii ka soo baxay shirkii Midowga Musharaxiinta  & RW Rooble. Waxaana maanta lagu wadaa in markale lagu qabto magaalada Baydhabo afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Afarta kursi ee maanta doorashadoodu ka dhaceyso magaalada ayaa kala ah HOP 154, HOP 213, HOP 180, iyo HOP 193, waxaana kuraastaasi doorashadooda ay bilaaban doonta saacado kooban kadib.

Magaalada Baydhabo waxaa shalay lagu doortay afar Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed, waxaana afarta maanta ay u dambeeyaan 11 kursi oo ay horay u shaaciyeen qabashadeeda guddiga doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Hadii RW Rooble awood siyaasadeed leeyahay waxa u maanta ku guulaysan lahaa inuu is-horistaago doorashdao boobka ah ee ka socota magalaada Baydhabo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!