Lafta Gareen: “Ciidamada DFS uma joogaan Koonfur Galbeed  danaha reer KG”

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada dowlada Fedaraalka ee ku sugan degaanka Koonfur Galbeed , gaar ahaan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa wax tilaabo ah qaadin iyaga oo ku go’dooman xaruumahooda. Halka qaar ka mida ciidankaas lagu soo weeraray xaruumahooda iskaba daa in ay weerar ku qaadaan uuruka Al Shabaab.

Madaxweyne  C/Caziiz Lafta Gareen ayaa waxaa  uu eedeyn u soo jeediyay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo hogaankooda   ka howlgala degaannada Koonfur Galbeed. Lafta Gareen ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga ee Koogur Galbeed jooga ay Fadhiid yihiin, islamarkaana dooneyn howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ma aha kaliya in CXD ayan waxba qaban waxa uu kale uu MW Lafta Gareen sheegay in Ciidanka Xogga Dalka ee jooga degaannada Koofur Galbeed ee degaan ahaan ka soo jeeda halkaas ay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada. Waxaa uu ugu baaqay in ay ka waantoobaan dhaqanka noocaas ah ee hoos u dhigaya tayada iyo sumcadda Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo isna ka hadlay Magaalada Baydhaba ayaa sheegay in saraakiisha qaar xogaha ay keenaan aan lagu duullaan tagi karin taasina ay ceeb ku tahay sarkaalka.

Guddoomiyayaasha Maxkamadda darajada 1aad iyo midda sare ee Ciidamada ayaa ku sugan Baydhaba halkaas oo ay u tageen in ay xukunno ku ridaan askar ka kala tirsan Booliska, Nabad Sugidda iyo Daraawiishta oo ku lug yeeshay dilal ka dhacay Magaalada Baydhaba.