Reading Time: < 1 minute

Warar aan Helnay ayaa Sheegaya in Akoonka wasaarada Maaliyada Galmudug lagala Baxey lacag dhan $120,000 ( Boqol iyo labaatan kun oo dollar) sifo sharci daro ah

Lacagta maqan ayaa lala xiriirinayaa Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyada Galmudug iyo Agaasimayaal wasaarada ka tirsan waxaana Kiiskan Baaritaankiisa la wareegay Laanta Dambi-Baarirsta Booliiska ee CID

Maqnaanshaha lacagtan ayaa la ogaadey 3 Maalin kadib taasoo keentay in la xiro shaqsiyaad wasaarada ka tirsan kuwo kaleba Booliisku u yeeray oo suaalo la waydiiyo

Agaasimaha guud ee wasaarada oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegey in baaritaano socdaan oo xogta dhabta ah ay lasoo wadaagi doonaan Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here