Waxaa wadooyinka magaalada Khartum ee caasimada dalka Suudaan lagu arkayaay lacag fara badan oo loo daabacay dalka Soomaaliya.
Shilin Soomaaliga ay Suudaan u daabacaday dalka Soomaalida ee aan weli lageynin dalka Soomaaliya ayaa lagu arkaayay qaybo ka mid ah oo daadsan wadooyinka waaweyn ee magaalada Khartuum.
Toban sano ka hor ayaa ay ahayd markii dowlada Suudaan u daabacday dalka Soomaaliya lacag Shilling Soomaali ah, laakiin lacagtaas ayaa dalka dib loogu soo celin waayay kadib markii dawladihii isaga danbeeyay dalka ayan ku guuleysan inay bixiyaan lacagihii lagu daabacay lacagatass.