Lacagtii Imaaraat-ka Ee Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho oo Gacanta u gashay R/wasaare Kheeyre!!

Reading Time: < 1 minute

Iyado dhawaan Garoonka Duulimadka ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay lacag ka timid Magaalada Abu Dhabi ee Imaaraat-ka Carabta aya waxa isa soo tarayo wararka ka imanaya Lacagtaasi.

Lacagtaasi lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho aya la shegay in lagu shubay Bangiga Dhexe ee Dalka oo anu ognahay inlacagtii lagu shubaa ee leedahay Dolwada Dhexe ee Dalka oo maamusha.

Xukuumada uu hor kaco Xasan Cali Kheeyre aya Shacabka Soomaaliyeed ku madadaalineysa in lacagtaasi ay Dowlada heyso oo ay baareyso halka lo waday iyo cida ay ku socotay balse arinku uu intaasi dhaafsiisan yahay.

Xasan Cali Kheeyre Raii’sul Wasaaraha Soomaaliya aya si toos ah gacanta loogu galiyay 9.6 oo ah lacag cadaceedu ay aad u badan tahay,waxaana lacagtasi la qabtay ay Kheeyre ku socotay howlo Musuq maasuq ayana la doonayaa in lagu fuliyo lacagtaasi.

Kheeyre oo Xukuumadiisa ay ku caan baxday Musuq maasuq iyo boob qaran aya hada dajisay Howlo Musuq Maasuq oo dhabar jab ku noqon doona Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed.

Qorshaha marin habaabinta Shacabka aya waxa kenay Xasan Cali Kheeyre iyado si uu san fileyn arintaasi ay ugu fashilmatay Kheeyre,isaga oo an tuhun qabasho ah uusan qabin xiligaasi maadama arinta Jawaari ay taagneed.