Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa intii uu talada dalka hayay waxa uu shacabka Somaliyeed u muujiyay in uu yahay shaqsi ka fog musuq-maasuq iyo lunsashada hantida qaranka. Waxaa uu idaacadaha ka sheegaa in uu la dagalaamayo musuq-maasuqa ku baahay dowladda dhexdeeda isla markaana cidii lagu qabto maxkamad la soo taagi doono. Hadaba waxaa isweydiin mudan ilaa xadkee ayuu qayb ka yahay MW Farmaajo musuqa ku sii baahaya qaybaha kala duwan ee hay’addaha dowladda? Ilaa iyo hadda ma jiro mas’uul sare oo loo xiray ama lagu eedeyay in uu musuq-maasuq geystay. Sababaha keenay in aan qofka lagu edeynin musuqa ayaa la xiriirta musuqa cadeymaha leh ee uu Madaxweyne Farmaajo lugaha kula jiro isaga oo isticmaalayo qaabab ka duwan qababkii lagu yaqiinay madaxdii isaga ka horeeysay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheynaya in uu lacago fara badan meel u dhigto doorashada la filayo in ay dhacdo 2020/21. Sidoo kale waxaa macquul ah in uu doonayo in uu lacag meel sii dhigto hadii ay dhacdo in uu dhameysan waayo labada sano ee ka hartay waqtigiisa.
MW Farmaajo iyo saaxiibadiisa ayaa waxa ay la yimaadeen qaab dahsoon oo lacagta laga dhaco shacabka Somaliyeed iyada oo aan la ogaanin ama aan lagu tuhmin MW Farmaajo dalka dibaba looga saaro. Hadaba waa maxay farsamada lacagta looga dhaco shacabka laguna geeyo dalka dibadiisa gaar ahaan magaalada Neyroobi.
- MW Farmaajo ayaa u xilsaaray dhowr qofood oo ay ehel yihiin in ay maamulaan lacagaha lagu soo qaado magaca Somaliya ee aan laga diiwan galin Bangida Dhexe ee Somaliya ama lacagaha canshuurta ee laga qaado shacabka ku dhaqan magaalada Muqadishu. Shaqadaan waxaa loo xilsaaray sadax qof: a) Qareen iyo Ganacsade Axmad Adan (Axmed Dhere) b) Balal Maxamed Cusman iyo c) Fahad Yasin.
- Lacagaha marka laga soo saarayo dalka waxaa loo soo dhiibaa Balal iyo Fahad Yasin halka Qareenka Axmed dhere uu lacagta galiyo ganacsi iyo maalgalin hanti ma guurta ah ee ku taal dalka Kenya.
- Lacagaha waxaa lagu soo qaadaa sadax qaab oo qorsheysan a) waxaa iyada oo ku jirto boorsooyinka safarka lagu soo qaadaa diyaaraada Freedom Airline oo uu sida joogta ah Madaxweyne Farmaajo u kiraysto b) iyada oo boorsooyin lagu soo qaado oo diyaaradaha rakaabka ah lala soo raaco kuwaas oo ka soo baxa magaalada Muqadishu. Marka dadka lacagta wada yimadaan garoonka diyaaradaha JKIA ee Neyroobi waxaa diyaaradda hoosteeda yimaado sarakiil ka tirsan sirdoonka Kenya oo lacagta iyo qofka wadaba si toos ah uga bixiya garoonka ayaga oo aan marin qaybta baariska ee garoonka iyo c) qaybta sadaxaad oo ah iyada oo lacagaha xawaaladaha Somalida la soo mariyo taas oo lagu soo diro magacyo kale duwan laakiin lacagta waxaa ka qaado xawaaladaha Axmad Adan (Axmad Dhere) isaga oo wakiil ka ah MW Farmaajo.
- Habka lacagaha sida farsamaysan loogu soo qaado waxaa tusaale nooga filan dhacdadii safarka Sudaan ee MW Farmaajo. Horaantii bishii Oktoobar ee sanadkii 2017 markii Madaxweyne Farmaajo ka soo laabtay safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tagay dalka Sudaan waxaa dalkaas laga soo siiyay lacag isugu jirta sooryo iyo kaalmo ay dowladda Sudaan ugu deeqday shacabka Somaliyeed. Diyaraaadii siday MW Farmaajo ee Freedom Air markii ay ku soo noqotay magalaada Muqadishu waxaa lacagtii laga soo qaaday dalka Sudaan lagu dhaafay diyaarada Freedom Air dhexdeeda iyada oo uu diyaarada ku haray Qareenka Axmed Dhere kaas oo lacagtii ula soo gudbay dalka Kenya.
- Lacagaha MW Farmaajo ka soo xaday shacabka Somaliyeed isaga oo isqarinaya ayaa waxaa lagu maalgaliyay guryo iyo hanti ma gurto ah taas oo la doonayo in uu mustaqbalka u isticmaalo doorashooyin ama uu ganacsi ku galo marka waqtigiisa madaxweyninimo dhamaato.
Waa kuma ninka maamulo lacagaha Madaxweyne Farmaajo uu ka dhaco shacabka Somaliyeed:
Axmad Adan oo loo yaqaano Axmed Dhere waa Qareen iyo Ganacasade Somali-Keenyaati ah oo ay ehel hoose wada yihiin Madaxweyne Farmaajo. Waxaa uu qayb ka haa walina lagu haystaa dacwadii sida sharci daradda ahayd loogu iibiyay hotelka wayn ee lagu magacaabi jiray Garand Regency Hotel laakiin hada loo bixyay Laico hotel. Waa nin ka ganacasada dhulka, hanti badana ka iibsaday deegaano badan oo ka mida dalka Kenya.
Madaxweyne Farmaajo oo aad uga taxadarayo in aan la ogaanin qorshahiisa farsamaysan ee uu lacagta ku diro ayaa isticmaalo Axmed Dhere in uu lacagta laga dhacay shacabka Somaliyeed u u xafido, u maamulo islamarkaana maalgalin ugu sameeyo.
Axmed Dhere waxa uu horay isugu dayay in uu isku soo dhaweeyo MW Farmaajo iyo dowladii hore Itoobiya ee uu hogaaminayay Ra’isal Wasaare Hailemariam Desalegn. Sidoo kala waxa uu in mudo ku mashquulsanaa in dhanka kale uu isku soo dhaweeyo MW Farmaajo iyo MW Uhuru Kenyatta lakiin waxba kama suuragalin da’daalkaas.
Axmed Dhere waxa kale oo uu in mudo ah ka shaqeeynayay sidii Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmad Madoobe looga waareejin lahaa xukunka si loogu dhiibo shaqsi ka soo jeeda beesha Mareexaan, gaar ahaan Axmed Dhere waxa uu wataa Ra’iisal Wasaarihii hore Cabdiwali Shiikh oo hadda ka wado dalka Kenya olole uu donayo in uu kaga qaybgalo doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee la filaayo in ay dhacdo sanadka soo socda.
Dhacdadii bishii Maarso ee Garoonka JKIA ee Magaalada Neyroobi
Bartamihii bishii Maarso ee sanadkan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Neyroobi ee dalka Kenya ka soo dagay Fahad Yasin oo uu la socdo Maxamed Cusmaan balal oo ah la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Fahad ayaa la soo degan lacag fara badan oo ku jirtay boorsooyinka lala soo galo diyaarada gudaheeda. Fahad Yaasin ayaa ku haray diyaaradda dhexdeeda isaga oo sugayay dadkii uu kula balamay in ay ugu yimaadaan diyaaradda hoosteeda.
Mudo 30 daqiiqo ah markii uu ku dhex jiray diyaradda oo dadkii oo dhan ay ka dageen diyaaradda ayaa loo sheegay in uu diyaradda uu ka soo baxo madaama diyaarad la geeynayo halkii ay caawa ku baryi lahayd. Fahad oo ay dhib ku tahay ka soo degida diyaaradda ayaa ka soo degay isaga oo gacanta ku wata boorsadii lacagta ku jirtay. Markiiba waxa aragtay gabadh ka mida gabdhaha howlwadeenada ka ah garoonka oo codsatay in uu boorsada furo si loo baaro. Fahad waxa uu isku dayay in uu diido laakiin markii danbe waxa uu u sheegay in ay ku jirto lacag ay leedahay Safaarada Somaliya ee Kenya.
Saraakiisha Baaritaanka oo la yaaban lacaga faraha badan ayaa waxa ay waydiiyeen Fahad sababta ayan saraakiisha safaaradda Somaliya ugu imaan garoonka si ay lacagta ula wareegaan. Iyada oo ay doodaas socoto ayaa waxa u yimid dadkii u horay ula balansanaa oo la maleeynayo in ay ka tirsan yihiin sirdoonka dalka Kenya. Lacagtii waxaa damiintay saraakiil Kenyaati ah sidaaas ayaana lagu sii daayay.
Waxaa cad in Madaxweyne Farmaajo uu farsamo u helay sidii uu lacagtii uu umadda Soomaliyeed ka dhacay uu si qarsoon uga bixin lahaa dalka isla markaana loogu saameeyo maalgalinta hanti ma guurtaa oo uu doonayo in uu mustaqabalka isticmaalo. Waxaan ku daba jirnaa baaritaan ku saabsan lacagaha MW Farmaajo u soo dirsaday dalka Kenya iyo meelaha lagu maalgaliyay iyo waliba magacyada lagu diiwaan galiyay hantidaaas.