Dowlada Qatar ayaa waxaa Soomaaliya ay ugu deeqday dhaqaale gaaraya $80 Million lacagtaan oo inteeda badan lagu dhiibay si cadaan (cash) ayaa waxa muuqato in inteeda badan la’ layahay meeshii ay ku danbeeysay.
Bishii Juulaay ee sanadkii tagay ayaa waxaa heshiis kala saxiixday Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dowladda Maraykanka Rex Tillerson iyo dhigiisa Qatar Shiikh Maxammed bin Abdulrahman Al Thani. Heshiiskaas ayaa waxa uu sheegayaa in dowlada Qatar ay sheegto lacag kastaa oo ay siiso wadamada looga baqayo in ay argagaxisada lug ku leeyihiin. Habada iyada oo taas laga duulayo ayaa dowlada Qatar oo iska fogeeynaysa ceeb kaga timaado lacagaha ay siiso Soomaaliya, go’aansatay in ay sheegto lacagaha ay Soomaliya siiso intooda badan ama inta aanan la qarin karin.
Hadaba iyada oo laga taabo qaadayo heshiiskii Doha iyo UN ayaa waxaa dowlada Qatar laga codsaday in sheegto dhamaan lacagaha ay Soomaaliya u dirtay iyo meesha ay u marsiisay. Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay lacago aan la cayimin si toos u siisay Soomaaliya. Baaritaan buuxa oo ay sameeyeen dowlado iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu xaqiijiyay in ay maqan tahay lacag gaaraysa $65 Million, Lacagtaan ayaa inteeda badan waxaa maamulayay Fahad Yasin, waxaana lagu hayaa lagu tuhmayaa in lagu hayo guriga Madaxweyne Farmaajo.
Asbuucaan ayaa qoraal dheer lo soo qoray madaxweyne Farmaajo kaas oo looga codsaday in uu soo sheego meesha ay lacagtaas ku danbeeysay iyo cida maamushay. Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Bashiir Ciise oo ay baarayaashu la kulmeen ayaa u cadeeyay baarayaasha in lacagtaas aan lagu shubin Bangiga Dhexe iyo koontooyinka dowlada ku leedahay Dalka Turkiga.
Dowlada Qatar oo ay dacwadaas ku furan tahay ayaa waxaa ay hadda go’aansatay in lacagaha Soomaaliya la marin doono shirkado ama hay’ado Qatar leedahay si loo xaqiijiyo raadka lacagaha iyo meelaha ay ku baxaeen. Hay’adda Qatar Foundation iyo hay’ada Ashghal ayaa la marsiin doono mashaariicda lagu taageerayo Soomaaliya. Sida ay sheegtay dowlada Qatar. Wadamo badan ayaa shaki xoogan ka qabo dowlada Qartar joojin doonto lacagaha ay ku carqaladaynayso nabadda Soomaaliya.
Lacgataan ayaa lagu tuhmayaa in uu ku takri falay Fahad Yasin una istcimaale dano u gaar ah iyo kuwo lagu taageerayo kooxaha xag jirka ah.