Labo tilaabo oo J/land qaaday oo wax ka badashay aragtida beesha caalamka

Reading Time: < 1 minute

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta qaatay labo tilaabo oo ka mid ahaa qodobadii ay beesha caalamka iyo hogaanka AMISOM ka codsadeen in ay fuliso Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Qodobka kowaad ayaa ahaa in Jubbaland isku daydo in ay ku guulaysato soo xarayta ama helida taageerada labada oday dhaqameed ee horay uga soo horjeestay geedi socodka doorashada Jubbaland, gaar ahaan ugaaska beesha Cawlyahan oo laf dhabar u ah beesha Ogaadeen isla markaana uu ku tiirsanaa musharaxa Cabdinasir Seeraar.

Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane ayaa ugu danbeeyntaa ka soo goostay kooxda mucaraadka ah ee ka soo horejeedo geedi socodka doorashada Jubbaland waxa uuna si buuxda u taageray qaabka doorashada u socoto.  Talabadaan ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanka Jubbaland.

Qodobka labaad oo ay beesha caalamka soo dhawaysay wax uu yahay in maamulka doorashada lagu wareejiyo hogaanka cusub ee baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Musharaxiinta la magac baxday isbadal doonka ayaa markii horay sabab uga dhigay sababaha ay u diideen in ay ka qayb galaan doorashada iyaga oo ka biyo diiday gudiga madaxa baanan ee doorashada Jubbaland.

Talaabada maanta ay qadeen gudiga doorasashada oo ay ku wareejiyeen hogaanka doorashada baarlamaanka Jubbaland  ayaa waxa ay qayb ka tahay turxaabixinta geedi socodka doorashada Jubbaland oo ay horay talo ahaan u soo jidisay Qaramada Midoobay.

Labadaan talaabo ee maanta la qaaday ayaa waxa ay xaqiijin doontaa in beesha caalamka aqoonsato nattijada ka soo baxada doorashada dhici doonta maalinta Khamiista.

[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2019/08/Warsaxaafadeed.-word.pdf” title=”Warsaxaafadeed. word”]