Labo nin oo dilal ka gaystay Muqadishu oo saakay la toogtay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay saakay dil toogasho ah ku fulisay labo xubnood oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen kooxda  AL-shabaab.

Labada oo lagu kala magacaabo  Canshuur Cismaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barroow ayaa lagu eedeeyay in ay dilal qorsheysan iyo weerarro ka geysteen Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Weerarada lagu soo eedeyay in ay qayb ka ahaayeen waxaa ka mida weeraray Isgoyska Digfeer oo lagu dilay xubno ka mid ahaa qoyska reer Dahabshiil, sidoo kale isla sanadkaas 2017 waxaa ay isgoyska Via Roma ku dileen wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabballe iyo Haweeney ka mid ahayd Haweenka Qaranka

Labada nin ayaa saakay lagu toogtay magaalada Muqadishu.