Wareega labaad ee doorashada Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BFS ayaa waxaa ku baratami doona:
1. Xil. Maxamed Cali Cumar (Caanonuug)
2. Xil. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar)
Xildhibaan Maxamad Wali oo heysta Codadka ugu badan ayaa ka tanaasulay Wareega Labaad waxaana uu utanaasulay Xildhibaan Sacdiyo Yaasin
Maxamad Wali waa Xildhibaanki lagu badalay Cabdi wali Muudey waxaana uu ka socday Garabka Madaxweyne Farmaajo si looga bad baado isbadalada dhaca wareega Labaad ayuu utanaasulay Sacdiyo Yaasin oo kamid aheyd Xildhibaanada Mucaaradka ku ahaa Dowlada Madaxweyne Farmaajo
Xildhibaanad Khadiija Diiriye ayaa sidoo kale tanaasushay waxa ayna utanaasushay Caana Nuug
Wareega Sedexaad waxaa ku tartamaya Xildhibaan Sacdiyo iyo Xildhibaan Caana Nuug labadoodana waxaa laga soo kala doortay Puntland iyo Jubbalan