Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegayo in qaar ka mida Musharaxiinta Madaxweynanimada Dowlad Goboleedka Puntland ay iclaamiyeen in ay qaadi doonaan dagaal lagu xureeynayo Puntland sida ay hadalka u dhigeen hadii la doorto. Musharaxiinta ku dhawaaqday dagaalka ayaa ah qaar horey uga tirsanaan jiray qaybaha kala duwan ee ciidanam Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirkii hore ee amniga ahna musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019 General Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in joogitaanka Somaliland ee gobolka Sool maalmo kooban ka hareen.
General Khaliif Ciise Mudan ayaa shaaciyey in haddii loo doorto xilka madaxtinimada Puntland uu qaadi doono dagaal lagu xoraynayo magaalada Laascaanood iyo deegaamada Kale ee ka maqan gacanta Puntland.
Sarkalakan ayaa sheegay in muddo lix bilood ah uu kujirey jiidaha dagaalka Tukaraq si uu uga qayb qaato difaaca Puntland haddii la doortana mudada uu xafiiska joogo ay ka badnaan doonto mudada uu furimaha la joogo ciidanka.Halkaan ka daawo: