Allah u naxariiste waxaa maalintii labaad la raadinayaa meydadka Ridwaan Mawliid iyo Salmaan Mustafe oo ay qaaday Bada Berbera. Ehelada labadan marxuum oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga soo bilaabo Khamiistii ilaa xalay lagu jiro raacdada maydadka labadaasi marxuum.
Maamulka Gobolka iyo ka degmadda Berbera ayaa iyaguna dhankooda gurmad u fidinaya qoyseska labada marxuum sidii loo soo saari lahaa maydka labada wiil ee dhalinyaradda ah. Waalidiinta labada marxuum ayaa sheegay in xalay waagu ugu baryey xeebta Batalaale walina aanay haynin balse ay raacdadu socoto.