Labo askari Iyo Qof Shacab ah oo Muqdisho Lagu Toogtay Iyo Kooxdii Falkaasi ka Dambeeysay oo Qosleeysa ayaana Goobta ka tagtay!!

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysan ayaa labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay maanta ku dileen Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho sidda ay sheegeen goobjoogayaal,Dilka ayaa ka dhacay Bosteejadda Baydhabo, waxaana la sheegay in halkaasi lagu dilay labo Askari iyo qof Shacab ah.

Qofka Shacabka ah ayaa ku dhintay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada la dilay iyo Kooxdii soo weerartay,Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen , waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay Falkaasi.

Goobjooge ayaaa Muqdisho Online Usheegay in Raggii Falkaasi geeystay Iyagoo Qoslaya ay Goobta ka Baxsadeen ”Ragga dilka geeystay iyagoo iska qoslaya ayaa tartiib u baxeen” ayuu yiri

Ciidamadda Dowlada Federaalka ah ee soomaaliya ayaa xiray jidadka muhiimka ah ah ee magaalada waxaana dhacaya falal amni xumo oo isi soo taraya.