Laascaanood oo maalintii 7aad dagaal ku waabariisatay

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa maalintii todobaad ku waabariisatay dagaal culus oo halkaasi ka socda. Goobjoogayaal ayaa MOL u xaqiijiyay in ciidanka dowlada Somaliland ay magaalada si aan kala soon lahayn ugu garaacayaan hubka culus ee kaarayaasha.

Dhanka kale ciidan u daacada beesha Dhulbahante oo ay wehliyaan ciidan ka tirsan Puntland ayaa ayagana dagaal ku qaaday Saldhig ay lahaayeen ciidanka Somaliland.

Shalay Cabdisalaan Muuse oo ahaa dhakhtar bisha cas la shaqeeya ayaa ku geeriyooday hub culus oo ugu tagay goobtiisa shaqo.