Laascaanood oo maalintii 15aad uu dagaal culus oo toosa ka socdo

Reading Time: < 1 minute

Dagaal culus  ayaa aroornimadii saaka dib uga bilowday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, waxaana la maqlayaa daryanka madaafiicda culus oo  ku soo dhaweysa garaacayso magaalada.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dagaalka saaka oo ah mid xoogan ayaa isugu jira dagaal toos ah oo ka soconaya duleedka Bari ee Laascaanood, halka ciidamada Somaliland ay madaafiic ku bilaabeen magaalada.

Ciidamada deegaanka ayaa dhankooda sameeyay inay magaalada laascaanood ka difaacaan weerar ka ay kusoo qaadeen  ciidamada Somaliland.

15 maalmood oo xiriir ah ayay Somaliland la dhacaysaa Laascaanood  ka socdaa, kuwaas oo saameeyay guryaha shacabka, isbitaalada iyo masaajidada Laascaanood, waxaana ka dhashay dhimashada dad maato ah oo ay ku jiraan hooyo iyo 7 carruur ah oo ay dhashay iyo hooyo xaamilo ah oo lagu dhalinayay Isbitaal ku yaalla Laascaanood.

Labada dhinac ee ku dagaalamaya gacan ku heynta Magaalada Laascaanod waxaa gaaray baaqyo kala duwan oo la xiriira joojinta dagaalka kuwaas oo ka kala yimid Madaxda Dowladda Federaalka, Xildhibaanno, Duubabka dhaqanka, Qaramada Midoobay, Beesha Caalamka iyo dhinacyo kala duwan balse ma baajin dagaalka oo maalintii 15aad galay.