Laamaha Amniga Afgooye oo Sheegay in ay Ku Fashilmeen Sugidda Amniga

Reading Time: < 1 minute

Laamaha Amniga Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay waxba ka qaban waayeen dhiabatoyinka ka jira dagmadasi sidoo kalana waxa ay sheegeen in degmada afgooye uusan wax mamul ah ka jirin hasayeeshee dagmadaasi waxa inta badan ka dhaca weerarada ay ka geystan Al-shabaab.

Dagmadda Afgooye ayaa ah dagmo istirajiyad ah oo 30 KM u jirta magaladda Caasimada ah ee muqdisho tan iyo marki dowlada farmajo ay kala wareegeen alshabaab waxa kusoo laablaabta weerarada tooska ah dilalka iyo qaraxyada oo inta badan ka dhaca dagmada islamarkana ay Al-shabaab geystaan .

Mid kamid ah mas’uuliyiinta Amniga degmadda Afgooye oo diiday inaan magaciisa xigano ayaa sheegay in maamulka hadda ka jira degmadda Afgooye uu ku fashilan yahay wax ka qabashada amniga degmada islamarkaana ay soo badanayaan dhibaatooyinka amni daro ee ka taagan degmada Afgooye.