Laamaha Amaanka oo aysan ka jirin wax Wada Shaqeyn Ah oo Dhexdooda Ah

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Gudoomiyaha Gudiga difaaca Golaha ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha dhaliyay ee shalay galab ka dhacay afaafka hore ee Hotel Weheliye ee magaalada Muqdisho, wuxa uuna sidoo kale tilmaamay in laamaha amaanka dhaxdooda ay ka jirto habacsanaan dhanka amniga ah, wuxuuna hoosta ka hariiqay in nidaamka sugida amniga Muqdisho ay wax badan ay ka qaldan yihiin, balse wax leyska weediin doono amni daradda ka jirta magaalada Muqdisho.

” xildhibaanada qaar iyo Masuuliyiinta Dowladda waxa ay ku mashquuleen howlaha Mooshinka, iyaga oo hakiyay shaqooyinkii waajibka ahaa, midaas looma baahna, anaga waan la kulanay laamaha amniga waxna waa laga weydiiyay dhacdooyinkii amniga la xiriiray ee dhowaanahan dhacay” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Gudoomiyaha Gudiga difaaca Golaha Shacabka.

Shalay ayey aheed markii weerar ismiidaamin ah oo mas`uuliyadiisa ay sheegteen Al-shabaab uu ka dhacay afaafka hore ee Hotel Weheliye ee magaalada muqdisho, weerarkaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 ruux oo rayid ah sidoo kalana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kalane.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!