Laamaha Amaanka Magaalada Dhuusamareeb oo wara ka soo saaray xaalada cakiran ee ka taagan Duusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen is rasaaseyntii xalay ka dhacday Magaaladaas taasi oo la sheegay in wax khasaaro ah ka dhalan.

Israsaaseynta xalay ka dhacday Dhusamareeb ayaa timid kadib markii Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen Guri uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Taliyaha Booliska degmada Dhuusamareeb Cabdullaahi Xasan Macalin oo la hadlay  Voa-da ayaa sheegay in xaalada Magaalada Dhuusmareeb ay tahay mid degan,isla markaana wixii ka dhacay ay ahaayeen wax aan sidaasi u weyneyn lana xaliyey.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in aysan jirin ciidamo gooni ah oo la wareegay Xarumaha qaar ee Dhuusamareeb,balse sugida Amniga Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ay u xilsaaran yihiin Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug weli kama hadlin rasaasta xalay la sheegay in Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku fureen Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Dhuusamareeb.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!