Ciidamada amanaka kenya aya shegay in ay gacanta ku dhigeeyn rag ka tirsan al shabaab oo todobad ka hor macalimiin ku dilay iskuul ku yaala magaalada gaarisa ee gobolka waqooyi bare ee kenya.
Madaxa amanka ee gobolka waqooyi bari ee kenya maxamed saalax aya shegay in ay gacanta ku so dhigeyn laba ka tirsan ragi ka danbeyay weerarka lagu dilay macalimiinta Kenyanka aha.
Saraakiisha Gobolka ayuu ugu goodiyay hadii aanay sida waajibka ah u qabsan shaqadooda ay Maxkamada iyo shaqo la’aan muteysan doonaan.
Baaritaano horudhac ah oo Booliska Kenya ay soo saareen 17-kii bishan ayay ku sheegeen raggii weerarkaasi ka dambeeyay in ay ahaayeen ilaa Saddex ruux oo kala ah Yusuf Abdullahi, Daud Ahmed Mohamed iyo Abdirashid Ibrahim Osman.