La wareegida deegaanka Wabxo oo go’doon galisay kooxda Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada dowladda ayaa shalay la wareegay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgadud sida ay ku waramayaan dadka deegaanka. Qabsashada degaanka Wabxo ayaa go’don galiyay kooxda Sl Shabaab ee ku sugan degaanada hoosyimada Xaradheere.

Dagaalkii shalay oo socday saacado kooban ayay ciidamada u suurta gashay in ay deegaanka la wareegaan. Dagaal xoogan ayaa waxa uu ka socdaa deegaan u dhaxeeyo wabxo iyo sidoo kole Degmada Ceelbuur

Sarakiisha hogaamineysa dagaalka ayaa waxay sheegeen in ay si buuxda ula waregeen deegaanka Wabxo. Isla Shalay ayaa ahayd markii ay gaareen Ciidamo ka tirsan dolwadda deegaano u dhaw deegaanka Wabxo waxaana maalmihii danbe halkaasi lagu daabulayay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowlada.