La taliyayaasha Farmaajo oo mid mid isaga tagay, shaqana ka helay hay’ado gaar ah

Reading Time: 2 minutes

La taliyayaashii ka shaqeynaya xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo mid mid uga tagay Xafiiskiisa, intooda badana shaqo ka helay Hay’ado Caalami ah halka dhowrka qof ee ku hartay  xafiiskiisa laga yaabo in ayaguna  asbuucyada  soo socda ka tagaan.

Waa markii ugu horeeysay taariikhda Xafiiska Madaxweyne ay la taliyayaashiisa aqoonta leh iyo shaqaalhiisa howlaha u kala waday ay ka kala tagaan. Xafiiska Madaxweynaha waa xafiiska ugu sharafta badan ee qof Soomaali ah ka shaqeeyo ama uu sheegto in uu ka shaqeeyo laakiin Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee xiligaan ayaa markii horaysay waxa u noday goob ay shaqalihiisa ka gaabsadaan ama sheegtaan in ay  ka shaqeeyaan.

Qaar mida Shaqaalihii ka tagay ayaa MOL la wadaagay dareenkooda iyo aragtida ay ka qabaan xafiiska Madaxweynaha. Mid ka mida shaqaalahaas oo ka gaabsaday in aan magaciisa baahino ayaa yiri ” …ma doonayo in aan wax badan ka sheego xafiiskaas, laakiin  dhibaatooyin badan ayaa ka jira xafiiska taas oo keentay in dhamaan shaqaalihii xafiiska ay mid mid isaga tagaan”. Daruufaha ku kalifay in dadkii ugu muhimsanaa ay ka goostaan xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu soo kobben afar qodob:

  1. Farmaajo ma aha nin talo qaato ama ku dhaqma waxa lagula taliyo. Fakar kastaa ee loo keeno waxa ka tir-tiro Fahad Yasin iyo Xassan Kheyre oo u dhaqmo in ay iyagu leeyahay Farmaajo. Mid ka mida shaqaalahaas ayaa yiri “mar baan Farmaajo  talo la wadaagay, waxaana ay iigu muqatay in uu taladaas qaatay.. dhowr maalin ka dib ayaa Fahad Yasin ii yeeray waxa uuna igu yiri talo aan aniga axsaxin meel ay tageyso ma laha… waa in aad aniga ila soo wadaagtaa marka hore”
  2. Waa shaqsi shaki badan oo aan kalsooni isagana isku qabin xafiiskiisa aan ku qabin. Hadii aad u qorto fartiin ama aad talo siiso.. waxa uu aqrinayaaa boqolaal mar isaga oo u arkaaya in isaga lagu dhibaateeynayo… “waxaa ilaah ku imtixaanay shaki iyo cabsi aan raad lahaynin oo keentay in uusan qofna aaminin inta aan ka ahayn kuwa beenta u sheega”
  3. Iyada oo la doonayay in laga yareeyo saameyntiisa ayaa Kheyre iyo Fahad waxa ay ka dhaadhiciyeen in la mideeyo Xafiiskiisa  iyo kan RW Wasaaraha, taasna waxa ay keentay in la taliyayaashiisa ay noqdaan kuwa laga xukumo xafiiska Kheyre halkii ay isaga u madaxbanaan lahaayeen in ay isaga talo siiyaan.
  4. Waa shaqsi ka dhuunta runta oo jecel in been loo sheego. la taliye kastaa oo runta u sheega  waxa uu u arkaa cadow.. waxa uu ku qanacsan tahay in been aan jirin loo aqriyo isla markaana aan loo keenin talo ku dhisan xaqiiqda jirta. Tani ayaana keentay in Farmaajo uu ka dhuunto in uu arko  shaqaalaha xafiiskiisa. “..anaga oo ah la taliyayaashiisa   waxa ay mararaka qaar nagu qaadataa in aan la kulano mudo 3-4 bilood sababtoo ah waxa uu iska ilaalinayaa in talo la siiyo”
  5. Ugu danbeeyntii shaqaalaha xafiiskiisa ayaa mudo ka badan 4 bilood mushaar qaadanin taasna waxa ay keentay in ay meel kale shaqo u raadsadaan.

Farmaajo ayaa taladiisa waxa uu ku soo koobay ninka ay qaraabada yihiin ee loo yaqaan Balal oo ah shaqsiga kaliya ee uu talada ku qarsado, taas oo lagu tuhmayo in uu lacagaha Farmaajo ka soo galo dowlada ama magaca dowlada lagu xado  uu u aruuriyo una xafido.

Waxaa nasiib xumo ah in umadda Soomaaliyeed ay shaqsi noocaas ah  ka sugaan hogaan iyo in uu dalka ka saaro xaaladda adag ee uu ku jiro. Sida MOL loo xaqiijiyay dhowrka qof ee hadda ku hartay xafiiskiisa ayaa la filayaa in dhowrka asbuuc ee soo socda ay ka tagaan.